Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Xasan Sheekh oo la kulmey siyaasiyiinta Koonfur Galbeed

Dhuusamareeb :- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka BFS iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada dowlad-goboleedka Koonfur-gabeed, kuwaas oo maanata oo Sabti ah halkaas gaarey.

Siyaasiyiinta Koonfur-galbeed oo Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay Dhuusamareeb u tageen garab istaagga ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira argagsixisada al-Shabaab ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan deegaanada Koonfur-galbeed iyo tallooyinkooda ku aaddan in da;lka laga sifeeyo malayashiyada al-Shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Guddoomiyeyaashii hore iyo siyaasiyiinta warbixin ka siiyay guulaha laga gaaray dagaalka argagixisada ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in loo midoobo sidii waqti kooban dalka looga saari lahaa argagixisada, isaga oo adkeeyay in midnimo, isu-tanaasul iyo wada-tashi looga gudbo arrimaha lagu kala aragtida duwanyahay.

Ujeedada ugu weyn ee siyaasiyiinta Koonfur galbeed u tageen Dhusamareeb ayaa ah sidii loo qaban lahaa doorasho huan oo ka dhacda Baydhabo. Doorashooyinka Madaxweynaha ee Koonfur galbeed ayaa markasta laga hagi jirey Muqdisho.

Horseed media