Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Xukun dil ah oo lagu riday xubno ka tirsanaa Shabaab oo dilal ka fulin jiray Gaalkacyo

Xukunno dil ah oo lagu riday dhagar qabayaal ka tirsanaa Khawaarijta oo dilal ka fulisay magaalada Gaalkacyo.

Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) waxa ay kamid ahaayeen Shabakad ka kooban Lix ruux oo dilalka gaadmada ah iyo qaraxyada ka fulisa Mudug gaar ahaan Gaalkacyo.

Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) ayaa lagu soo eedeeyay dilka Marxuum Maxamed Jaamac Maxamed (Cagabiyood).

Halka Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) oo ahaa horjoogihii shabakada isagana lagu soo eedeeyay dilka marxuumiinta kala ah Cabdi Aadan Siyaad (Cabdi Dheere) iyo Cilmi Cali Guuleed.

Waxa ayna dhamaan dilalkan dhaceen xili marxuumiinta ay kasoo baxeen Masjid-ka oo ay ku cibaadeysanayeen.

17-kii bishii April ee sanadkan ayey soo galeen gacmaha ciidamada amniga kadib howlgal looga jawaabayay qarax ay la beegsadeen gaari Cabdi Bille ah oo ay lee yiihiin kumaandooska xoogga dalka ee Danab.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaas, fadhiyo kala duwan ka dib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa 22-kii bishii May ee sanadkan ku xukuntay Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) xukun dil toogasho ah.

Qareenada u doodaayay eedeysanayaasha ayaa qaatay racfaan ka dib xukunkii dilka ahaa ee lagu riday.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda ayaa aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen qareenada 24-tii bishaan.

Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow), sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda.