Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Gaalkacyo: Saddex nin oo ka tirsan al-Shabaab oo xukun lagu ridey

Maxkamada ciidamada Puntland ayaa Xukuno kala duwan ku riday koox ku eedeyneyd in ay ka tirsanyihiin Alshabaab.

  1. Maxamed Deeq Salaad Cabdi ayay maxkamaddu ku xukuntay 20 sano oo cabsi ah,
  2. Ismacil Daa’uud Jiirow Xarfaanay 30 sano oo xabsi ah
  3. Cabdulqadir Abuukar sheekh Maxamed ayaa lagu xukumay 15 sano.

Saddexdan nin ayaa loo haysaa inay qeyb ka ahaayeen falal isugu jira qaraxyo iyo dilal ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Waxay maxkamaddu sheegtay inay xiriir lalahaayeen shabakado katirsan Alshabaab, kuwaas oo horey loogu fuliyay dil, halka qaar kalena ay xukuman yihiin.

Maxkamaddu waxay sheegtay in saddexda nin ay qirteen dambiyada lagusoo eedeeyay, inkastoo qareenada difaacaya ay sheegeen in eedda maxkamadda ay tahay mid aan waxba ka jirin.

Qaar ka mid ah ehelada dadkii lagu dilay magaalada Gaalkacyo ayaa maamulka Puntland ka codsaday in xukunka lagu fuliyo dambiilayaal Shabaab ah oo dil ku xukuman, kuwaas oo dhammaan maxkamadaha heerarkooda kala sarreeya ay xukunka kuwada rideen.

Dadkan oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa walaac ka muujiyeen in maamulku uu doonayo in dambiilayaasha aan lagu fulin xukunkii lagu riday oo ahaa Dil toogasho.