Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Akhriso: Magacyada madaxda sare ee beri ka qeyb galeyso caleema saarka Xasan Sheekh

June 08 (Jowhar.com)-Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka socota diyaar garowgii ugu danbeeyay ee loogu jiro xafladda Caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhaceysa beri oo Khamiis ah.

Madaxda iyo wafuuda berri ka qeyb galeysa Caleema saarka Madaxweynaha JFS waxaa ka mid ah Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Masar, Wafuud ka socota dowladaha Turkey, Sacuudiga, Qatar, UAE, Malaysia iyo dalal kale.

sidoo kale waxaa munaasabadda oo si heer sara ah loo diyaariyay ka qeyb galaya madax sar sare oo ka socota dalalka caalamka, kuwo metelaya hay’adaha ka howlgala dalka iyo saraakiil kale, kuwaasoo wada shaqeyn dhaw la leh dowladda Soomaaliya.

Xafladda Caleema saarka waxaa la filayaa iney khudbado ka jeediyaan madaxda la casuumay si gaar ah kuwo dalalka ay ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya, iyadoo sidoo kale uu jiri doono heshiisyo ay caasimadda ku wada saxiixan doonaan madaxweynaha cusub iyo kuwa la casuumay qaarkood iyo furitaanka mashaariicyo ay dalalka deriska ah ka fulinayaan Soomaaliya oo dhisnayaal ay qeyb ka yihiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh Caleema saarkiisa kadib waxaa laga sugayaa magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, iyadoo xafiiskiisa ay buux dhaafiyeen Sooyaalka siyaasiyiin xil doon ah, lama oga qofka uu u xulan doonno xilkan sida weyn loo naadinayo.