Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

AKHRISO: Taariikh nololeedka AHUN Sheekh Cali Warsame oo geeriyooday

AHUN Sheekh Cali Warsame wuxuu ku dhashay miyiga magaalada Caynaba hilaaddii 1940kii, wuxuu ku barbaaray miyiga, dabadeed Waxbarasho u tagay magaalooyinka Burco, Hargaysa, Dirirdhabe, Haadaamo iyo Muqdisho, intaba wuxuu ku ahaa cilmi raadis.

Bilowgii Tobaatanaadkii ayuu aaday dalka Sucuudiga, wuxuu tegay Madiinadii Nabi Muxamed SCW, waxa uu galay machad, waxa uu ugasii gudbay Jaamacadda Madiina, wuxuu Masterka ka qaaray Jaamacadda Al-imaam Muxamed Bin Sacuud ee Riyaad.

Wuxuu dib ugu soo laabtay dalka isaga oo ah tiir kaalin mug leh kaga jira baraaruggii ka hana qaaday dunida Muslimka guud ahaan gaar ahaan Soomaaliya, wuxuu fure u noqday midowgii Jamaaca Al-Islaamiyah iyo Wuxdadii Waqooyiga, halkaas waxaa ka dhashay dhaqdhaqaaqii Salafiga ahaa ee Al-itixaad Al-islaami 1983dii isaga madax looga dhigay.

Wuxuu ahaa nin macaan oo dabci wanaagsan oo aan laga gayoon, wuxuu ahaa sugaanyahan xigmad badan, wuxuu ahaa deeqsi aan waxba kaydsan, wuxuu ahaa geesi aan ka libiqsan aragtidiisa, wuxuu ahaa xaasle, Aabe ilaa Awoowe.