Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Al-Shabaab oo weerar ku qaadey saldhig ku yaaley Nuur-Dugle

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee Khamiista malayshiyaadka Al-shabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaanka Nuur Dugle oo ku tala waqooyiga Shabeelada Dhexe kana tirsan Ruun Nirgood.

Weerarka ayaa la tilmaamay inuu ahaa mid ku bilaawday qaraxyo, kaasoo malayshiyaadka Al-shabaab ay ku qaaday fariisin ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ku leeyihiin deegaanka Nuur Dugle.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Nuur Dugle ayaa la soo wariyay inuu ahaa mid aad u xoogan oo ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo qaatay hal saac oo xiriir ah.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo goordhaw la hadashay warbaahinta qaranka waxay sheegeen in weerarkaasi ay iska difaaceen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka, islamarkaana ay haatan ciidamada wali baacsi kusii hayaan xubnahii Shabaabka ahaa ee weerarka kusoo qaaday.

Weerarkaan saakay ka dhacay Nuur Dugle ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Shalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu gaaray degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo uu u tagay dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

Horseed media