Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Bandow ka dhqan galay Muqdisho iyo madaxweynaha oo maanta la Caleema saarayo.

June 09 (Jowhar.com)-Waxaa xalay magaaladda Muqdisho ka dhaqan galay Bandow ay ku soo rogtay dowladda Soomaaliya, kaasoo bilowday saacaddu marka ay ahayd 10:00-kii habeenimo, iyadoo lagu adkaynayay ammaanka magaalada oo la filayo in Khamiista maanta ah ay ka qabsoonto xafladda caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Amniga guud ee magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay si gaar ah hoolka calaamo-saarka ee Afisyoone oo ah halka ay ka dhaceyso munaasabada Caleema saarka, waxaana wadooyinka caasimadda lagu dhajiyay calamada dowladaha wufuuda u soo direysa munaasabada oo maalmahan qaban qaabadeeda uu socday.

Madaxda iyo wafuuda ka qeyb galeysa Caleema saarka Madaxweynaha JFS waxaa ka mid ah Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Masar, Wafuud ka socota dowladaha Turkey, Sacuudiga, Qatar, UAE, Malaysia iyo dalal kale.

Sidoo kale madaxweynayaasha Shanta dowlad goboleed ayaa ku sugan magaalada, kuwaasoo munaasbaada kadib la filayo iney kulan gaar ah la qaataan madaxweynaha dib loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ka wada hadli doona isu soo dhawaanshohooda iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka dowladda iclaamisay ee ka dhanka ah Shabaab.

Caleema saarka kadib waxaa la filayaa iney si toos ah u bilaabato shaqooyinka horyaala madaxweynaha cusub oo ay kamid tahay soo magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, lama oga inuu noqon doono shaqsi siyaasada ku cusub ama qof hore xilal u soo qabtay oo ay dadka garanayaan.