Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Bandow lagu soo rogay Magaalada Muqdisho


Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa Bandow caawa ka bilaabanaya kusoo rogay Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka kaas ku eg ilaa maalinta berrito oo Isniinta ah.

Afhayeenka Ciidanka booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in sababta Bandowga loo soo rogay ay tahay xaqiijinta ammaanka doorashada Madaxweynaha iyo in laga hortaggo in ay dhacaan falal amni daro.

Waxaa uu sheegay in ciidanka booliska heega buuxa la galiyay, islamarkaana ay xiri doonaan dhammaan wadooyinka caasimadda.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa shaaciyey diidi doonno isku socodka dadka iyo gaadiidka xaafaddaha qaar ee Muqdisho.