Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

C C W “xildhibaannimada in aan uga tago si aan shaqadan u fuliyo diyaar ayaan u ahay”

June 03 (Jowhar.com)-Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay dooda ka taagan xilka uu madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay ee ah ergeyga u qaabilsan dhanka bani’aadanimada.

Mr. Warsame oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay ineysan waxba ku jabneyn inuu qabto shaqada ah u gurmashada dadka ay abaaruhu saameeyeen isagoo xildhibaan ah, wuxuuna taas ku sheegay iney qeyb ka tahay shaqooyinka horyaala mudanayaasha hay’ada sharci dejinta.

Qodobka 59-aad ee Dastuurka KMG ah oo dhigaya in xildhibaanka uu waayayo xubinimadiisa baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, haddii uu qabto xil aan aheyn uu wasiir, ayuu C/raxmaan ku adkeeyay afka inuu diyaar u yahay inuu xildhibaanimada baneeyo si dadka baahan uu u gargaaro.

“Xil aan qabtay ayaanba jirin, Xildhibaanka muhiimaddiisa oo dhan waa in uu dadka u shaqeeyo, Haddii ay u baahatana xildhibaannimada in aan uga tago si aan shaqadan u fuliyo diyaar ayaan u ahay” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hadal heyn xoogan ayaa ka dhalatay magacaabista siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hadda ah ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada iyo gurmadka abaaraha, waxaana dadka qaar ay shaaciyeen inuu xilkiisa waayayo, iyaga oo soo xiganayo qodoka 59-aad ee Dasrtuurka Soomalaiya , halka kuwa kale ay ku doodeen inuu isku heyn karo labada xil, maadaama ergey sidiisaba uu yahay qof wakiil ah, isla-markaana uusan qayb ka aheyn arrimaha maamulka dowladda.