Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Ciidamada Ukraine oo saad yari ay soo wajahday, xilli Ruushka uu gulufkiisa ballaariyay

Saraakiisha Ciidamada Ukraine ayaa ka cabanaya inay soo wajahday saad yari, xilli ciidamadooda ay dagaal adag kula jiraan Ciidamada Ruushka ee isku ballaarinaya Gobolada Bariga iyo Koonfurta ee dalkaasi.

Saraakiisha ayaa sheegaya in hubka uu ka sii dhammaanayo jiidda hore ee koonfurta, isla-markaana ay si dirqi ah ku soo wadeen iska caabinta, muddo toddobaadyo ah.

Gudoomiyaha Gobolka Mykolaiv, Vitaliy Kim ayaa sheegay in dagaalka ka socdo furinta hore ee Koonfurta Ukraine uu noqday dagaal madaafiic ah, waxa uu intaasi ku daray inaysan haysan madaafiic in ku filan.

Gudoomiyaha ayaa Mareykanka iyo Midowga Yurub ugu baaqay inay si dhakhsi ah dalkiisa ugu soo diraan gantaalada ridada dheer iyo rasaas, si ay Ukraine uga caawiyaan inay iska caabiso duulaanka Moscow.

Vadym Skibitsky, Kuxigeenka Madaxa Sirdoonka Militariga ee Ukraine ayaa dhankiisa sheegay in Ukraine ay ku guuldareysan doonto dagaalka ay kala horjeedo Ruushka, haddii aanay si degdeg ahi u helin saadka ay u baahan tahay.

Saraakiisha kale ee jiidaha hore ku sugan ayaa sheegaya in Militariga Ruushku ay haystaan madaafiic aad u tiro badan, ayna duqaymaha u adeegsanayaan, sida inaysan waxba reebanayn oo kale.

Ciidamada Ruushka ayaa guluf cusub ka wada Magaalada Lysychansk ee Bariga Ukraine, taasoo ay damacsan yihiin in ay kala wareegaan Ciidamada Ukraine.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Ciidamada Ruushka ay hawlgal kaloo hubeysan ka bilaabaan magaalooyinka ay xoogaga wax iska caabinta kaga sugan yihiin Gobolka Donetsk, si ay si buuxdo ula wareegaan gacan ku haynta Bariga Donbas.

Dhanka kale Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa Sabtidii sheegay in dunida ay wajihi doonto cuno la’aan ba’an, haddii aanu dalkiisa dib u bilaabin dhoofinta cunnadii uu dibadda u dhoofin jiray.

Madaxweyne Zelenskyy ayaa sheegay in go’doominta daran ee Ruushka ay caqabad ku tahay dhoofinta wax soosaarka dalkiisa.