Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Duuliye Ruush ah oo la baxsaday diyaarad helicopter ah oo helay abaalmarin dhan $500,000

Duuliye Ruush ah oo u goostay Ukraine isagoo wata diyaarad helikobter oo ah nooca Mi-8 , ayaa heli doona abaal-marin dhan nus malyuun dollar.

Afhayeen u hadlay sirdoonka milatariga Ukraine, Andriy Yusov, ayaa Talaadadii TV-ga Ukraine ka sheegay in lacagtaas la bixin doono, wuxuuna ugu baaqay askarta kale ee militariga Ruushka inay ku daydaan oo ay usoo goostaan dhanka Ukraine.

Sirdoonka Ukraine ayaa ku qanciyay duuliyaha Ruushka inuu ka goosto ciidankiisa howlgal gaar ah oo la shaaciyay bishii August.

Sida ay ku warantay shabakada wararka ee Ukrainska Pravda, hawlgalkan oo muddo qaatay in la abaabulo, waxa qorsheeyey duuliyaha Ruushka oo diyaaradiisa ka dajiyey dhulka Ukraine, waxaanu ku degay gobolka bariga ee Kharkiv oo ay ku sugayeen ciidamada gaarka ah ee Ukraine.

Laba ka mid ah shaqaalaha Ruushka oo la socday diyaaradda helicopter-ka, isla markaana aan la socon qorshaha goosashada, ayaa diiday inay is dhiibaan, waxaana dilay ciidamada Ukraine.

Qoyska duuliyaha ayaa horay uga soo baxsaday Ruushka, waxaana lagu soo waramayaa inay ku sugan yihiin dalka Ukraine, sida ay wararku sheegayaan.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Mi-8 Helicopter, oo ah mid qiimo badan u leh ciidamada Ukraine ayaa sidoo kale siday agabka loo isticmaalo diyaaradaha dagaalka Ruushka.

Horseed Media