Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Fahad Yaasiin oo weerar afka ah ku qaaday taliyaha cusub ee NISA Mahad Salaad.

June 08 (Jowhar.com)-Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo wareysigii u horeeyay bixiyay ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda dalka,doorashadii kooxdiisa looga adkaaday iyo xilka cusub ee loo magacaabay Mahad Salaad ee ah taliyaha NISA

Fahad Yaasiin ayaa ugu horeyn duray magacaabista Mahad, wuxuuna madaxweyne Xasan Sheekh ku sifeeyay shaqi aan si wanaagsan u aqoon ninka uu u dhiibay hoggaanka hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka oo ah hay’ad muhiim u ah amniga Qaranka, sida uu hadalka u dhigay.

Saraakiisha iyo askarta NISA ayuu uga digay iney xogta sirta ah la wadaagaan Mahad Salaad oo uu lu sifeeyay qof cadaw ah, isagoo aan soo bandhigin cadeymo xoojinaya doodiisa.

“Madaxwyne Xasan Sheekh Maxamuud aqoon uma laha Mahad Salaad, haddii uu aqoon u lahaan lahaa ma uu magacaabeen. Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa qofka xog iyo sir Qaranka leeyahay la wadaaga Taliyaha cusub uu yahay qof la wadaagay sirtii qaranka Cadowga” ayuu ku yiri wareysi uu siiyay Wariye Faarax C/qaadir.

Fahad Yaasiin ayaa dhinaca kale sheegay in Puntland ay “ku khasaartey” xiriirka ay la yeelatay Jubaland. Ma bixin tafaasiil intaas ka badan. Lama ogga haddii uu ula jeedo in Saciid Cabdullaahi Deni uu waayay codadka Xildhibaanadda matala maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe iyo haddii ay jiraan waxyeelo kale oo uu og-yahay.