Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Faransiiska oo ciidamadiisa kala baxaaya dalka Niger

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Axaddii sheegay in Faransiisku uu joojinayo iskaashiga milatari ee uu la leeyahay Niger oo uu 1,500 oo ka mid ah ciidamadooda kala baxayo waddanka Afrika dhammaadka sannadkaan 2023, ka dib afgambi militari oo halkaas ka dhacay bishii Luulyo.

Talaabadan ayaa dhabar jab ku ah hawlgalada ka dhanka ah argagixisada ee iskaashiga France ee Sahel iyo saamaynta Faransiisku ku leeyahay gobolka, laakiin Macron wuxuu sheegay in Faransiisku “Aan qoob ka xir loogu haysan karin joogitaanka argagixisada ee Galbeedka Afrika”

“Faransiisku waxa ay go’aansdey in ay u yeerato safiirkeeda oo ay joojiso wadashaqeynta milatari ee ay la leedahay Niger,” ayuu Macron ku yiri wareysi uu siiyay telefishinnada Faransiiska ee TF1 iyo France 2.

Militariga Niger ayaa soo dhaweeyay ku dhawaaqista, waxayna sheegeen inay muujinayso “tallaabo cusub oo loo qaaday dhinaca madax-banaanida” dalka.

“Ciidamada Imperial-ka iyo kuwa cusub ee gumeystaha ah lagama soo dhaweynayo dhulkeena, waxaa durba bilaabmaya xilliga cusub ee iskaashiga, oo ku dhisan ixtiraam iyo madax-banaani,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka loogu jawaabey tallaabada faransiiska.

Macron wuxuu sheegay in iskaashiga milatari ee Faransiisku uu ” dhamaaday” ciidamada Faransiiskuna ay ka bixi doonaan “bilaha iyo toddobaadyada soo socda” iyagoo si buuxda uga baxay “dhammaadka sanadka.”

Gobolka saboolka ah ee Sahel, koonfurta saxaraha ayaa waxaa ka dhacay afgambi sannadihii la soo dhaafay, iyada oo talisyada militariga ay beddeleen dawladihii la soo doortay ee Mali , Burkina Faso iyo Guinea iyo sidoo kale Niger.