Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo kulan gaar ah ku yeeshay madaxtooyada.

May 17 (Jowhar.com)- Madaxweynaha xilka ka sii dagaya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saaka kulan quraac ah Madaxtooyada Villa Somalia kula yeeshay Madaxweynaha la doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilo ku dhow dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in kulankan uu ahaa is xog wareysi iyo soo dhoweyn, maadaama todobaadka soo socdo la filayo in Madaxweynaha la doortay Xasan Sheekh si rasmi ah Madaxtooyada lagu wareejin doono.

Farmaajo ayaa la filayaa inuu soo magacaabo guddi diyaariya xil wareejinta, kuwaasoo isugu jira wasiiro iyo xubno kamid ah mas’uuliyiinta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo guddigan ay qaban qaabin doonaan xafladda xil waeeejinta masaxweynaha xilka sii baneynaya Farmaajo.

Farmaajo ayaa habeen kahor looga adkaaday doorasho wareegeedii 3aad la isla gaaray oo ka dhacday xerada ciidanka cirka ee Afisyooni, iyadoo uu ka guukeystay Xasan Sheekh Maxamuud oo noqday madaxweynihii u horeeyay ee xukunka dib ugu soo laabtay