Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

G20 oo Midowga Afrika u aqoonsaday xubin joogto ah

Kooxda 20-ka waddan ee dhaqaalaha ugu horreeya adduunka ayaa soo dhaweynaya Midowga Afrika oo loo aqoonsaday xubin joogto ah, arrintan oo muhiim u ah dalalka Afrika doorka ay ku leeyihiin siyaasada dunnida.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sanadkii hore ku baaqay xubinnimada joogtada ah ee Midowga Afrika ee G20.

Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa sheegay in ururka lagu casuumay ka qeyb galka shirka G20 ee dalkiisa uu martigelinayo todobaadkan.

Ururka Midowga Afrika ayaa u ololeeyay in si buuxda xubin looga dhigo todobo sano, sida ay sheegtay afhayeenad Ebba Kalondo. Ilaa hadda, Koonfur Afrika ayaa ahayd xubinta kaliya ee Afrikaan ah op ka tirsan G20.

Horsees Media