Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Gabon: Milateriga oo xabsi guriga kasii daayey Madaxweynihii hore Bongo

Madaxweynihii hore ee Gabon, Ali Bongo Ondimba, ayaa laga sii daayay xabsi guri, waxaana uu xor u yahay in uu caafimaad uga baxo dalka, sida ay sheegeen militariga xilka ka qaaday bishii hore.

Bongo, oo xabsi guri ku jiray tan iyo afgambi militari 30-kii Agoosto, ayaa xukunka laga tuuray wax yar ka dib markii lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii dalkaasi oo ay hareeyeen musuq maasuq.

Marka la eego xaaladdiisa caafimaad, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Ali Bongo Ondimba waa u xor inuu safro. Waxa laga yaabaa, haddii uu doono, inuu u safro dibadda si uu baadhitaan caafimaad u sameeyo,” af hayeenka milatariga Gabon, Colonel Ulrich Manfoumbi ayaa ku yidhi qoraal uu ka akhriyay talefishinka qaranka fiidnimadii Arbacada.

Waxaa weli xabsiga lagu hayaa Marwada Madaxweynihii hore iyo waliba wiil uu dhalay, kuwaas oo loo heysto lunsasho Hanti Qaran.

Go’aankan siideynta Bongo ee xabsiga guriga waxaa ku saxiixnaa General Brice Clotaire Oligui Nguema, kaas oo Isniintii loo dhaariyay inuu noqdo Madaxweynaha KMG ee Gabon.

Hogaamiyaha afgembiga dalka ku qabsaday Nguema ayaa qaraabo la ah Madaxweynaha xilka laga xayuubiyey Bongo, wuxuu ilaalo u ahaa aabbihii Bongo wuxuuna sidoo kale madax u ahaa ciidamada jamhuuriga.

Horseed Media