Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Golaha Amaanka oo qaraar cusub ka soo saarey dhoofinta dhuxusha Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray qaraar cusub oo ka hadlaya dhoofinta dhuxusha iyo soo dejinteeda, oo ay hore Qaramada Midoobay ugu soo rogtay cunaqabatayno kala duwan.

Qaraarkan cusub ayaa lagu sheegay, “in iyada oo la ogsoon yahay in xaaladda Soomaaliya ay weli khatar ku tahay ammaanka iyo nabadda caalamka, in haddana golaha ammaanku uu si wadajir ah u ansixiyey qaraar qabyo ah oo ka hadlaya, in hal mar la hakiyo, cunaqabataynadii hore ee saarnayd si meesha looga saaro dhuxusha kaydsan”

Qaraarkan oo tirsigiisu yahay 2696 (2023) ayaa 15-ka dal ee xubnaha ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay taageereen in dawladda Soomaaliya ay qaado tallaabo ay si dhamaystiran meesha uga saaraysa dhuxusha kaydka ah ee dhoofka loo diyaariyey, iyada oo la raacayo codsiga ay dawladda Soomaaliya u gudbisay golaha, bishii August 14-keedii.

Horseed media