Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Guddoomiyihii hore ee ururada Bulshada Rayidka oo Muqdisho ku geeriyooday.

May 29 (Jowhar.com)- Alle ha u naxariistee waxaa saqdii dhexe ee xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Cabdullah Maxamed Shirwac oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Ururada Bulshada Rayidka.

Sida wararku sheegayaan,marxuumka ayaa mid kamida isbitaalada caasimadda ugu geeriyooday xanuun hayay mudooyinkii la soo dhaafay, waxaana maanta la filayay in arrimo caafimaad loogu qaado dalka dibadiisa.

Marxuumka ayaa ahaa shaqsi ku sifeysan ka shaqeynta nabada, u samafalida dadka taakta daran iyo sheegista xaqiiqda, wuxuuna sanadkii 2017 ahaa guddoomiyihii gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay isgooska Zoobe 14-kii October oo ay ku geeriyoodeen dad ka badan 500 ruux.

Madaxda sare ee dowladda Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada iyo siyaasiyiin ay si dhaw u soo wada shaqeeyeen ayaa ka tacsiyadeeyay geeridiisa, iyadoo isla maanta la diyaarinayo aaskiisa.