Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Gudoomiyaha baarlamaanka oo heshiis la gaaray India, xili dunida Muslimk ka carootay Aflagaadada Nabiga (NNKH)

June 08 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheikh Aadan Maxamed Nuur-Madoobe ayaa maanta kulan la qaatay safiirka dalka Hindiya Amb Dr Virander Paul iyo Ku xigeenkiisa ayagoo ka wakiil ah Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaasi Om Birla ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta Baarlaamaanada Labada dal.

Kulanka oo lagu gaaray is afgarad horu-dhac ah (MOU) oo u dhaxeeya Baarlmaanada Somalia iyo Hindiya qodobada ayaa Kala ah .

1-In Dalka Hindiya uu siindoono Xildhibaanada BJFS Caafimaad lacag la’aan ah oo si buuxda Dowladda Hindiya ay u damaanad qaadeyso dawaynta Xildhibaanada BJFS.

2-In Ciidanka Xoogga Dalka furimaha ku soo dhaawacma ee wax looga qaban waayo gudaha Dalka ay si lacag la’aan ah Dalka Hindiya loogu soo dawayn doono.

3-In la diyaarin doono duulimaad toos ah iyada oo loo marayo xafiiska ra’iisul wasaaraha wasaaradda duulista si loo sameeyo duulimaad toos ah oo ka yimaada Muqdisho-Hyderabad.

4) sidoo kale in Dalka Hindiya uu bixin doono deeqo waxbarasho oo lacag la’aan ah .

Si kastaba, Heshiiskan horudhaca ah ayaa ku soo aadaya, xilli dunida Muslimka ay carro xoog leh ka muujisay hadalo aflagaado ahaa oo xubno ka tirsan Xisbiga talada India haya ee BJP (Bharatiya Janata Party) ay u jeediyeen Nebi Muxamed (NNKH). Inta badan Wadamada Bariga Dhexe ayaa u yeertay Safiiradii ka joogay Magaalada New Delhi.

gudoomiyaha baarlamaanka oo heshiis la gaaray india, xili dunida muslimk ka carootay aflagaadada nabiga (nnkh)