Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Hogaamiyihii kooxdii weerartay Baarlamaanka Maraykanka oo xabsi dheer lagu xukumay

Garsoore Mareykan ah ayaa ku xukumay Enrique Tarrio, hogaamiyihii hore ee kooxda midigta fog ee Proud Boys, 22 sano oo xarig ah, maadaama uu ku lug lahaa rabshadihii xarunta Capitol ee Baarlamaanka Mareykanka 6-dii Janaayo, 2021.

Xukunkan uu ku dhawaaqay Garsooraha Maxkamada darajada 1aad, Timothy Kelly ayaa noqonaya xabsigii ugu dheeraa ee lagu rido ilaa hadda dadkii loo xiray weerarkii lagu qaaday Baarlamaanka Maraykanka.

Tarrio, oo ka maqnaa magalada Washington DC xiligii weerarka dhismaha Capitol, ayaa lagu xukumay bishii Maajo eedeymo dhowr ah, oo ay ku jiraan abaabulka iyo dejinta qorshaha weerarkaasi.

Koox ka mid ah taageerayaasha Madaxweynihii hore Donald Trump ayaa maalintaas xoog ku galay aqalka sharci dejinta ee Mareykanka si ay u joojiyaan xildhibaanada in ay ansixiyaan natiijada doorashadii 2020 ee uu ku guuleystay musharaxii Dimuqraadiga, Joe Biden.

Horseed Media