Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Horjoogayaal ka tirsan al-Shabaab oo Galguduud lagu diley

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal wadajir ah oo ay ka fuliyeen degaanada Galmudug waxa ay ku dileen saddex ka mid ah horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Howlgalka oo xalay ka dhacay Galbeedka Ceel-la helay ayaa lagu beegsaday:

  1. Olol Cali Guuleed oo ahaa Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab ee Galmudug.
  2. Shuuke Cali Dheeg oo ahaa horjooge
  3. Ciise Barre, oo ahaa sarkaal sare

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in howlgalkan uu ahaa mid si xirfadeysan loo qorsheeyay, islamarkaana dhabarka looga jabiyay dhammaan Shabaabka ku dhuumaaleysanaya deegaannada Galmudug.

Saddexda horjooge ee Al-Shabaab ayay dowladdu sheegtay inay ka dambeeyeen falal dambiyeedyo dhowr ah oo ka dhacay gobolka, oo ay ku jiraan weeraro lagu dilay dad rayid ah iyo ciidamada ammaanka.

Horseed Media