Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Juxaa: “Boosaaso waa magaalo weyn waxaan rabnaa inaan ka fara buuxsano”

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Puntland Cabdi Faarax Siciid ayaa sheegay in dhismaha goloyaasha deegaanada ee Puntland uu maraayo meel wanaagsan, ilaa hadda 20 degmo ayaa loo dhisey maamulkoodi oo ka mid ahaa 30 degmo oo doorasho ka dhacdey 25 May2023.

Magaalada Boosaaso ayaa noqotey magaalada keliya ee saddex Xisbi ku heshiiyaan, halka magaalooyinka kale badankood ay dhisayeen laba Xisbi. Si meesha looga saaro Xisbiga Mucaaradka ah ee Mideeye oo haystey tirada ugu badan xildhibaanada magaalada Boosaaso. Xisbiyada Sincad iyo Mustaqbal oo isku dar haysta 8 Xildhibaan ayaa kala qaatey Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka, halka xisbiga Kaah ee dowladda oo haysta 9 Xildhibaan uu yahay midka ilaalinaya Isbahaysigaas laakiin aan waxba ka qaadan maamulka Boosaaso, inkasta oo uu jiro heshiis kale oo gaarey wasaaradda arrimaha gudaha kaas oo ay saxiixeen qayb ka mid ah Mustaqbal oo ay wax la dhisteen Mideeye isla magaalada Boosaaso.

Xildhibaanada la soo doortey ayaa si weyn uga soo horjeeda heshiisyada caynkan ah, waxaana ay ku doodayaan in metalaadoodi aysan waxba tareyn mar haddii la soo magacaabayo guddoomiyaashii mamaulka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi faarax Juxaa ayaa sheegay in waxa ay doonayaan ay tahay gole deegaan oo shaqeyn kara, ma ahan in Xisbiyadu isku gobtaan, ma ahan in laga tago dheelitirka deegaanka sidaas darteed, magaalada Boosaaso waa magaalo weyn oo ganacsi waxaan dooneynaa inaan ka fara buuxsano dhismaheeda ayuu yiri.

Wararku waxay sheegayaan in ay u badan tahay in magaalada Boosaaso noqoto magaalo lagu tartamo oo la dhigo sanduukh, 33 Xildhibaan wixii ay soo saaraan ay maamul u noqoto magaalada Boosaaso.

Horseed media