Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Madaafiic lagu garaacay xaafado ku dhow garoonka Aadan Cadde

Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho waxaa xalay abbaare 2:00 habeenimo lagu garaacay tiro madaafiic ah, xilli maanta la calaamo-saarayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. 

Madaafiicda oo gaaraya Illaa toddoba madfac ayaa ku dhacay xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, gar ahaan dhanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Qaar ka mid ah madaafiicda ayaa ku dhacay guryo ay degan yihiin dad shacab ah oo xilligaas hurdayey, waxaana ku dhaawacmay 8 qof oo isku qoys ah, ayada oo sidoo kalena qof kale oo shacab ah, oo ka tirsan qoys kale uu ku dhintay.

Weerarka ayaa imanaya ayada oo magaalada Muqdisho lagu soo rogay bandow soo billaabmay saacaddu marka ay ahayd 10:00-kii habeenimo ee xalay, kaas oo lagu adkaynayo ammaanka magaalada oo la filayo in Khamiista maanta ah ay ka qabsoonto xafladda caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.