Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Madaxweynaha Puntland Deni oo maanta ku wajahan dalka Kenya.

May 21 (Jowhar.com)- Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaasoo uu dhowr maalin ku sugnaan doono.

Deni oo wali ku sugan Muqdisho ayaa ka duulaya garoonka diyaaradaha Adan Cadde, iyadoo si dhab ah wali aan loo shaacin waxa uu salka ku hayo safarkan deg dega ah uu ku aadayo dalka Kenya, iyadoo xukuumada Nairobi ay qeyb ka eheyd dalalka Afrika ee sida weyn u daneynayay inuu dalkan isbedel ku dhoco oo meesha laga saaro nidaamkii madaxweyne Farmaajo.

Siciid Deni ayaa kamid ahaa musharixiinta isu soo taagtay xilka madaxtinimo ee 15-lii bishan ka dhacday Muqdisho, isagoo ka gudbay wareegii koowaad, isagoo juhdi badan galiyay sidii uu u guuleysan lahaa, balse Xasan Sheekh ayaa noqday madaxweynaha ka soo baxay inkabadan 30 musharax oo tartantay.

Dhinaca kalena, Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland iyo mas’uuliyiin wehelisa oo ku sugan Muqdisho ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay maanta dib ugu laabtaan caasimadda Puntland ee Garoowe.