Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta safarkiisii ugu horreeyey ku tagaya Baydhabo

Madaxweynaha Dowladda federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa inuu safarkiisii ugu horeeyey ku gaaro Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koonfur galbeed.

Magaalada ayaa laga dareemayaa qaban-qaabada loogu diyaargaroobayo in lagu soo dhaweeyo wafdiga Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka Magaalada Baydhabo, iyadoo saacadaha soo socdo uu ka degi doono Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Magaalada Baydhabo kula kulmi doona Madaxweynaha Koobfur galbeed Cabdicasiis lafta-gareen iyagoo ka wada hadli doona isbedalka ka dhacay dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada kulamo kula yeelan doona Odayaasha Dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Maamulka Koonfur gableed.

Wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Qaranka Xuseen Shekh Maxamuud oo ayaa shaley gaaray magaalada Baydhaba kuwaas oo hordhac u ahaa Wafdiga safarka Madaxweyne Xasan Sheekh.