Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Mali: Maleeshiyada Islaamiyiinta ayaa tobanaan qof ku dilay weeraro kala duwan

Ugu yaraan 49 qof oo rayid ah iyo 15 askari ayaa lagu dilay labo weerar oo kala duwan oo ay fuliyeen kooxo looga shakisan yahay jihaadiyiinta weerarka ayaa ka dhacay dalka Maali.

Ugu yaraan 64 qof ayaa lagu dilay Maali Khamiistii laba weerar oo lagu qaaday saldhig ciidan iyo markab rakaab ah oo marayey webiga Niger.

Labada weerar ee kala duwan oo ay fuliyeen kooxo looga shakisan yahay inay jihaadiyiin yihiin ayaa lala beegsaday markabka wabiga meel ku dhow Timbuktu iyo saldhig ciidan oo ku yaala Bamba ee waqooyiga gobolka Gao, sida ay saraakiishu sheegeen.

Sida laga soo xigtay dowladda Mali, weerarradan waxaa sheegtay kooxda xagjirka ah ee Islamiyiinta ah ee JNIM, oo ah dallad ay ku mideysan yihiin kooxo hubeysan oo la safan al-Qaacida .

Warka kasoo baxay dowladda Maali ayaa lagu sheegay in ciidamadooda ay dileen ku dhawaad ​​50-qof oo weerarka soo qaaday.

Ciidamada Maali ayaa baraha bulshada ku sheegay in markabka lagu weeraray meel u dhow Timbuktu “Weerarkana ay qaadeen kooxaha argagixisada hubeysan” Markabka ayaa waxaa lala beegsaday “ugu yaraan saddex gantaal” sida uu sheegay hawlwadeenka Comanav ee la shaqeeya maraakiibta.

Timbuktu ayaa waxaa go’doomiyay kooxo hubeysan tan iyo dabayaaqadii bishii August markaasoo ciidamada Mali ay gurmad u direen gobolka.

Weeraradan khasaaraha badan dhaliyay ayaa imaanaya iyadoo Qaramada Midoobay ay isku diyaarinayso inay ciidamadeeda nabad ilaalinta ee MINUSMA kala baxdo dalka Maali oo ay tiradoodu dhan tahay 17,000 oo askari, kaddib markii ay dalbatay dowladda . Ka bixitaanka ayaa la qorsheeyay in la dhammeeyo dhamaadka sanadka.

Horseed media