Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Marooko: Shacabka oo habeenkii 2aad seexday bannaanka kadib dhulgariirku dilay in ka badan 2,000 qof

Qoysas badan oo Moroccan ah ayaa habeenkii labaad seexday bannaanka habeennimadii Axadda, kadib dhulgariirkii ugu dhimashada badnaa ee nus qarni ka dhaca dalkaas, kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 2,000 oo qof.

Dhulgariirka ayaa waxyeeleeyay kumannaan guri, waxaana laga cabsi qabaa in dhulgariirka kale uu dhaco.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ku qiyaastay in ka badan 300,000 oo qof ay masiibadu saamaysay, kooxaha samatabbixinta ayaa saacad walba ku hawlan sidii ay u heli lahaayeen dad badbaaday oo laga yaabo in ay ku hoos jiraan burburka guryaha.

Tirada dadka ku dhintay dhulgariirkii Morocco ayaa kor u dhaaftay 2,012 qof, TV-ga qaranka Morocco ayaa sheegay saaka oo Axad ah, isagoo soo xigtay war kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.

Dhaawaca ayaa gaaray 2,059, oo ay ku jiraan 1,404 qof oo xaaladoodu liidato.

Horseed Media