Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Maxaas: Xasan Seekh oo hormar ka sameeyey kulamaadii uu ka wadey gobolka Hiiraan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa degmada Maxaas kulamo kula qaatay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan. Madaxweynaha iyo bulshada ayaa isku afgartay in loo midoobo dagaalka lagu ciribtirayo argagsxisada.

Madaxweynaha ayaa bulshada gobolka Hiiraan ku bogaadiyay doorkooda wanaagsan ee la dagaalanka Argagsixisada ayaa tilmaamay in Soomaaliya leedahay hal cadow oo caqabad ku ah jiritaanka iyo horumarinta dalka, loona baahanyahay in laga gudbo kala aragti-duwanaashaha wiiqaya midnimada ummadda si guulo macno leh looga gaaro halganka dalka looga saarayo argaisixsada.

Ka qaybgalayaashii klabka ee siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee Madaxweynaha la kulmay ayaa soo soo jeediyay talooyin iyo aragtiyo ku aaddan dagaalka ka dhanka al-Shabaab iyaga oo ballan qaaday in ay qaadandoonaan doorkooda halganka dalka lagu xoreynayo.

Kulamadii Madaxweynuhu la yeeshay ergooyinka ka socdey beesha xawaadle waxaahareeyey muran siyaasadeed, taas oo hadda lagu heshiiyey in dib loo dhigo lagana soo hormariyo cirirtirka al-Shabaab.

Siyaasiyiinta ka qaybqaatey kulanka waxa akamid ahaa madaxweyne ku-xgeenka Hirshabelle Yusuf Dabageed, Cali Jeyte Cismaan oo sheegta Madaxweyne dowlad goboleed isagu ku dhawaaqey, wasiiro iyo xildhibaano ka soo jeeda gobolka.

Horseed media