Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Maxay Tahay Sirta Uu Fahad Ka Hayo Mahad Salaad?

La taliyihii hore ee amniga Qaranka horeyna usoo ahaa taliyiihii hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa hadlay hogaanka cusub ee loo magacaabay hay’addaasi.

Fahad ayaa ku tilmaamay Taliyaha Cusub ee Nisa, Xildhibaan Mahad Salaad shaqsi aan lagu aamini karin amniga qaranka, isla markaana uu ku jirey dadkii laga ilaalinayey siraha dowlada.

” Sarkaalka Nabad-sugidda Soomaaliya ka tirsan ee sir qaran la wadaaga taliyaha cusub ee la magacaabay, waa qof sirtii Qaranka u dhiibaya qofkii laga ilaalinayay”, Fahad Yaasiin ayaa hadalkan ku sheegay waraysi uu bixiyey.

Waraysiga Fahad Yaasiin oo ah kii ugu horeeyey uu bixiyey 5tii sanno ee lasoo dhaafay ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda dalka, doorashadii kooxdiisa looga adkaaday iyo xilka cusub ee loo magacaabay Mahad Salaad.

Horseed Media