Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Mudaaharaad ay ku dhaawacmeen mas’uuliyiin oo ka dhacay Hargeysa

Magaalada Hargeysa waxaa saaka ka bilowday bannaanbax uu soo qabanqaabiyeyeen xisbiiyada mucaaradka ah ee Jamhuuriyadda Gooni Isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland.

Mudaaharaadkan ayaa waxaa looga soo horjeedaa khilaafka doorashada Somaliland ee u dhaxeeya Mucaaradka iyo xukuumadda uu hogaaminayo madaxweyne Muuse biixi Cabdi.

Wararka ayaa sheegaya in xabsiga la xirxiray mas’uuliyiin ka mid ah dadka banaanbaxa dhiyayay.

Sidoo kale Banaanbaxa oo uu horkacayay Guddoomiyaha Xisbiga Kucaaradka ah ee WADANI waxaa rasaas ku furay Ciidamada Booliska waxaa la sheegay inay ku dhaawacmeen Xildhibaan Barkhad Batuun, masuuliyiin kale iyo Shacab, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka Magaalada Hargeysa.