Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Musharax Ciro oo ku baaqay in la isu dhigo rasaasta xukuumada Muuse Biixi.

May 26 (Jowhar.com)-Musharraxa Xisbiga Waddani ee Somaliland ayaa ku baaqay banaanbax weyn oo looga soo horjeedo madaxweynaha Somaliland Muuse Biici Cabdi

“Waxaan taageerayaasha xisbiga Waddani iyo shacabka Somaliland ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan in ay muujiyaan dareenkooda si Muuse iyo xukuumaddiisa sharciga loogu soo dabbaalo” ayuu yiri Musharrax Cirro

C/raxmaan Ciro ayaa dhinaca kale ku adkeeyay shacabka Somaliland si gaar ah dhallinyarada inaysan ka cararin rasaasta ciidamada oo ay isku dhigaan, si ay dareenkooda u muujiyaan

“Waddani & Taageerayaashiisu Hub ma sitaan ee haddii Dhallinyaro ciidanku rasaas sharci darro ah idinku furo isu dhiga” ayiu hadalkiisa sii raaciyay, isagol ciidamada uga digay iney dhibaato u geystaan shacabka dareenkooda muujinaya.