Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Musharax Daahir Maxamuud Geelle oo shaaciyay inuu ka haray doorashada Madaxweynaha

May 14 (Jowhar.com) – Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa si rasmi ah u shaaciyay in uu ka haray tartanka xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyadoo saacado uun ay ka harsan tahay xilliga doorashada la qorsheyay inay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa rasmiga ah ayuu ku sheegay in uu sii wadi doono sixitaanka nidaamka dowliga ah.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka mid ahaa musharaxiinta ugu cadcad ee la filayay inay ka mid noqdaan kuwa isugu soo hara wareegyada ugu dambeeya doorashada.

Qoraalka uu ku shaaciyay inuu ka haray doorashada ayaa u qornaa sidan;

Waxaan marka hore u mahadnaqayaa Alle, marka xigana kooxda iyo taageerayaasha olohayga murashaxnimo.

Waxaan si rasmi ah u shaacinayaa in aan ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xelli doorasheedkan, aniga oo sii wadi doona dadaallada aan ugu jiro toosinta iyo horumarinta siyaasadda Soomaaliya.

Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa mudanayaasha baarlamaanka ee sida dhaw ii garab istaagay muddadii aan ololaha ku jirnay.

Waxaan xildhibaannada baarlamaanka 11-aad ee JFS ku boorrinayaa uguna ducaynayaa in ay dalka u dooraan hoggaan wanaagsan oo astaan u noqon kara isbaddalka loo baahan yahay.