Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Musharixiin cusub oo isga hartay doorashada madaxweynaha.

May 15 (Jowhar.com)- Waxaa isa soo taraya musharixiinta isaga hareysa tartanka madaxtinimo ee Soomaaliya oo goordhow la filayi iney ka dhacdo teendhada Afisyooni ee ku taala xerada ciidanka cirka.

Sida wararka la helayl ay sheegayaan, musharixiinta kala ah Jabriil Ibrahim Cabdulle iyo Xuseen Cabdi Nuunow ayaa ka haray tartanka doorashada, iyagoo aan bixin macluumaad ku aadan sababta ay uga hereen tartanka, maadaama ay ku sgan yihiin hoolka doorashada.

Horay illaa saddex Musharax isaga hareen doorashada kuwaasoo kala ah sC/kariin Xuseen Guuleed, Dahir Maxamuud Geele iyo C/naasir Cabdulle.