Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

MW Xasan Sheekh oo sheegay in dowladdu ay xoogga saari doonto la dagaalanka Al -Shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in dowladdu ay xoogga saari doonto howlgallada dalka looga xoreynayo kooxda argagixisada ah ee Al -Shabaab.

Madaxweynaha oo ugu horreyn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxa uu kormeeray Xafiisyada ay ku shaqeeyaan talisyada kala duwan ee Wasaaradda Gaashaandhigga, isaga oo warbixinno ka dhageystay hoggaannada Ciidamada Xoogga Dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ahna Taliyaha Guud ee CQS ayaa qalabka isgaarsiinta Xoogga Dalka kula xiriiray qaar ka mid ah saraakiisha iyo ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan jiidaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al- Shabaab, waxa uuna ku bogaadiyey sida naf-hurninada leh ee ay dharaar iyo habeen walba heegan ugu yihiin difaaca dadkooda iyo dalkooda, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu la wadaagay ciidamada sida ay dowladda uga go’an tahay xaqiijinta amniga guud ee dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeerkiisii ugu horreeyey ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga kaddib dib u doorashadiisa ayaa u kuur galay xaaladda Ciidamada Qalabka Sida, waxaa uuna muujiyey sida ay dowladda Federaalka uga go’an tahay xaqiijinta amniga guud ee dalka.