Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Nin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isu soo dhiibay dowladda.

Taliska ciidanka Nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa magaalada Garbahaarey ku soo bandhigay Cabdicasiis Maxamuud Diiriye oo 12-kii sano ee lasoo dhaafay ka tirsanaa Al-Shabaab.

Cabdicasiis ayaa ka soo goostay kooxda, kadib markii uu u adkeysa waayey xaalada ay ku suganyihiin.

Cabdicasiis ayaa isku soo dhiibay gacanta dowladda, gaar ahaan ciidanka qaranka ee ka howlgala gobolka Gedo.

Ninkaan oo ka mid ahaa dhalinyarada markii hore ku qancay alshabaab ayaa sheegay inuu ku khaldanaa qaadashada fikirka alShabaab.