Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Ololaha magacaabista Raysalwasaaraha Soomaaliya iyo magacyada loo saadaalinaayo?

Waxaa muddo 30 maalmood ku dhaw ka soo wareegtey doorashadii taariikhiga ahayd ee ka dhacdey dalka ee lagu doortey Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo horey dalka Madaxweyne uga soo noqdey, waxaa maalintii Khamiista ee 9 Juun lagu guuleystey xafladda caleema saarka Madaxweynaha, haddaba waxaa maalmahan loo fadhiyaa shaqada ugu weyn ee madaxweynuhu qabto kadib doorashadiisa oo ah magacaabidda Wasiirka kowaad ee Xukuumadda ama raysalwasaaraha dalka.

Jawiga magaacibadda iyo ololaha loogu jiro raadinta raysalwasaaraha ayaa si weyn uga duwan kuwii hore, sababta ugu weyn iyo saameynta arrintan ayaa ah Madaxweyne Xassan Sheekh fursadda labaad oo uu helay oo aanu ahayn nin ku cusub magacaabidda Wasiirka kowaad, khibradda uu ka dhaxley 5-tii sano ee uu xukunka ka maqnaa iyo wixii ka khaldamey 4tii sano ee uu dalka hoggaaminaayey.

Sida xogtu sheegayso Madaxweyne Xassan Sheekh waxa uu ka codsadey dhamaan saaxibadiisa la soo shaqeeyey oo ku taageeray guusha uu gaarey in isaga loo daayo raysalwasaaraha, taas oo keentey in ololaha Raysalwasaaruhu uu noqdo mid aad u hooseeya marka loo barbar dhigo kuwii hore, Madaxweyne Xasan ayaa doonaya in kooxdiisu aysan ku kala qaybsamin magacaabidda raysalwasaaraha ee ay noqoto mid isagu la yimid.

Sida la rumeysan yahay magacaabidda raysalwasaaruhu waa mid saaran luqunta Madaxweynaha waxaana uu ka keeni karaan meelo ay dhici karto in aan laga sadaalineyn ama loo fileyn, laakiin saaxiiibada ku dhaw madaxweynaha ayaa ilaa hadda wada magacyo dhawr ah waxaana ugu muhimsan.

  1. Maxamed Kaynaan Xirsi oo ay inta badan saaxiibada iyo kooxdii olollaha doorashadu ay taageersan yihiin
  2. Xamze Barre oo ah Xildhibaan laga soo doorto Jubaland
  3. Guleed Saalax Barre oo ay wadaan qaar kamid ah saaxiibada ololaha doorashada
  4. Maxamed Axmed Doodishe oo ah saaxiib qadiim ah ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Afartan magac ayaa ah kuwo markasta ku jira sheekada magacaabidda raysalwasaaraha. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo looga adkaadey tartankii 15 May ayaa kamid ah dadka sida weyn u raadinaya, laakiin xog ay Horseed heshay ayaa sheegaysa in fursadda Siciid Deni ay si weyn hoos ugu dhacdey, saaxiibadii arrintaas la raadinaayey ay u sheegeen in ay jiraan caqabado waaweyn oo hortaagan fursadiisa Raysalwasaare.

Sida ay sheegayaan wararku ku dhawaaqidda raysalwasaaraha ayaa la filayaa in ay noqoto todobaadka maanta oo Sabti ah u horreyso, waxaa dhibaato badan ka jirtaa inta badan hay’adaha halbowlaha u ahaa socodsiinta shaqada Dowladda federaalka, taas o sababeysa in todobaadkan la magacaabo rayslwasaaraha.

Horseed Media