Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Dooxa kula kulmay Saraakiisha tababarka halkaas u jooga

Doha, Qatar – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta oo Sabti ah magaalada Dooxa kula kulmay saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA). Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadda booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu kulanka socday la wadaagay saraakiisha ciidanka XDS rajada ay shacabka Soomaaliyeed ka qabaan in ay hormuud ka noqdaan howlgallada dalka looga xoreynayo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. Sidoo kale waxa uu uga mahad celiyay dowladda Qatar taageerada kala duwan ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan soo saarista saraakiil tayo sare leh oo ka mid noqon doona ciidamada XDS.

XDS waa ciidanka qaranka Soomaaliya. Waxaa la aas aasay 1960-kii, balse waxaa ragaadiyay dhibaatooyin ay ka mid yihiin musuq maasuq. Sanadihii la soo dhaafay, SNA waxaa taageeray Mareykanka, Turkiga Midowga Yurub, iyo dalal kale.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Qatar ayaa qeyb ka ah sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Qatar.

Horseed Media