Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Ra’iisul wasaare Rooble oo hal arrin uga digay Xasan Sheekh Maxamuud.

May 18 (Jowhar.com)- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kaalin muuqata ku lahaa isbedelkii hoggaamineed ee dalka ka dhacay 15-kii bishan ayaa fariin culus u diray madaxweynaha la doortay ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa u sheegay Xasan Sheekh Maxamuud in uu iska ilaaliyo in uu dalka yeesho milkiile ama shaqsi si gaar ah oo awoodda Dowladda wax weliba uga soo sameysanaya, taasoo la sheego iney qeyb ka eheyd waxyaabaha hoos y dhigay sumcada ninkii xukunka kaga horeeyay oo talada wadanka shaqsi gaar ah uu la maamulayay.

Waxa aan kula talinayaa oo Shacabka ay jecel yihiin ay tahay, Milkiile ka ilaali dalkaan, adigaa ka mas’uul ah, waan kuu sheegayaa marka 1aad, mar labaad, Mar 3aad Milkiile Dalkaan ka ilaali, Nin ku keensaday ma jiro, Soomaali adiga ayay ku dooratay, Dadkii Soomaalidu soo dooratay ee ah Xildhibaannadaas ayaa ku doortay, Xildhibaankii ugu yaraan 60 ama 70 kun ayaa soo dooratay oo uu metalaa, Walaalow Xasanow waddooyinkii Soomaaliya ay ku duntay waxaa kamid ah Milkiile, go’aanka adiga qaado & Ra’iisul Wasaarahaaga & inta mas’uuliyadda markaas kula heysa, cid kale haku aaminin” ayuu yiri Rooble oo wareysi siiyay Idaacadda VOA.

Si kastaba, Hadalka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Roible ayaa kusoo aadaya xilli 5-tii Sano ee la soo dhaafay oo uu dalka Madaxweyne ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay dad badan sheegayeen in Fahad Yaasiin oo wax badan Maamulayay Hay’adda NISA uu ahaa Milkiilaha dalka si hoose u maamulayay.