Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Roobabkii dayrta oo ka curtey deegaanada SSC-Khaatumo

Roobkii dayrta ayaa habeenkii xalay ka da’ay meelo kamid ah gobolada Sool iyo Cayn. Wararka ayaa sheegaya in Roobku meelaha qaarkood aad u xooganaa oo ahaa biyo-qaad.

Magaalooyinka roobku ka da’ay waxa akamid ah Laascaanood iyo Buuhoodle iyo tuulooyin badan oo hoos yimaada. Roobabka ayaa sidoo kale ku hoorey qaybo ka mid ah gobolka Sanaag iyo gobolka Raascaseyr ee mamaulka Puntland.

Sadaashaa hawada ayaa sheegaysa in sanadkan roobabka dayrtu ay yihiin kuwo xooggan oo ka wanaagsan kuwii hore, waxaana laga digey in ay ka dhalan karaan daadad khasaare geysta.

Horseed Media