Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

RW Rooble oo sheegay in wadooyinka Muqdisho la xiri doono muddo kooban

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in muddo kooban ay xirnaan doonaan wadooyinka Magaalada Muqdisho, sababo la xiriira munaasabadda caleema saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa shacabka reer Muqdisho ka codsaday inay u dulqaataan muddadaas kooban ee waddooyinka la xirayo, maadaama ay dalka imaanayaan madax iyo wufuud heer sare ah.

“Walaalayaal waxaan rabaa inaan idiin la wadaago farriin si gaar ah u khuseyso shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda. Walaalayaal 9-ka bisha June oo ku beegan berri oo Khamiis ah caasimadda waxaa ay martigelin doontaa Madaxweyneyaal, Ra’iisal Wasaareyaal, masuuliyiin sarsare iyo wafuud caalami ah oo kala duwan oo ka kala imaanaya dhammaan daafaha caalamka, kuwaa oo ka qaybgelaya caleema saarka Madaxweynaha dalka, Xasan Sheekh Maxamuud.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa muuqaal uu galabta soo duubay waxaa uu ku sheegay in wadooyinka la xiri doono laga bilaabo 10:00pm caweysnimo ee caawa illaa 5-ta galabnimo ee Khamiista berrito ah.

“Haddaba si loo xoojiyo amniga martida heerka sarreeya ee dalka imaanaya waxaa lagama maarmaan noqotay in la xiro jidadka caasimadda, lana hakiyo isu socodka gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa dadweynaha, laga bilaabo caawa 10:00pm fiidnimo illaa 5:00pm galabnimo ee berrito.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Rooble.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa yiri “Sidaa darteed waxaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada ku dhaqan Muqdisho, si xushmad iyo qadarin leh uga codsanayaa in ay noo dulqaataan muddadaasi kooban ee magaalada xirnaan doonto, ayna ciidamada ammaanka garab ku siiyaan sugidda amniga ee Magaalada Muqdisho.”

Rooble ayaa Taliska Booliska faray in ay diyaariyaan gaadiid goobaha caafimaadka lagu geeyo dadka ay la soo darsaan xaaladaha caafimaad, inta ay wadooyinku xiran yihiin.