Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Shariif Axmed Oo Diblomaasiyiin Sare oo Norway Ka Socdey Xafiiskiisa Ku Qaabilay

Madaxweyne Hore Shariif Sheekh axmed ayaa xafiiska uu ku lee yahay magaalada Muqdisho ku qaabiley wakiilka dalka Norway u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo qof kale oo ka socdey wasaaradda arrimaha dibadda ee Norway.

Qoraal ka soo abxay xafiiska Sheekh Shariif ayaa lagu yiri:

Waxaa farxad ii ah inaan xafiiskayga ku qaabilo wakiilka gaarka ah ee Norway u qaabilsan Soomaaliya Marwo Heidi Johansen. Waxaan ka wada hadalnay gogosha nabadeed ee taalla deegaanka Burka Dirimeed, dhameeystirkeeda iyo sida ay muhiim u tahay in la helo nabad waarta oo ay gaaraan dadka walaalaha ah ee deegaan iyo daaqsin wadaagga ah.

Shariif Sheekh Axmed

Wakiilka Norway Heidi Johansen waxaa ku weheliyey booqashadaeeda Mr. Carsten Carlsen oo ah la taliye sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Norway.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in uu kala hadley diblmaasiyiinta Norway arrimaha Laascaanood iyo sidii nabad loogu soo dabaali lahaa.

Shariif Sheekh Axmed oo horey Soomaaliya uga soo noqdey Madaxweyne , laba jeer oo kale u tartamey xilka Madaxweynaha ayaa dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ka wada Muqdisho, waxaana uu dhaliiley qaabka loo wajahayo dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab oo uu sheegay in aan dano siyaasadeed ooga faa’ideysan.

Horseed Media