Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

UK oo u aqoonsaneysa Kooxda Wagner ee Ruushka, urur ‘argagixiso’

Dawladda Ingiriiska (UK) ayaa lagu wadaa inay Wagner, kooxda calooshood u shaqeystayaasha Ruushka u aqoonasato urur “argagixiso”.

Warbaahinta UK ee BBC, ayaa sheegtay in go’aankan la horgeyn doono Baarlamaanka si loo oggolaado hantida Wagner in loo aqoonsado hanti “argagixiso” si loo xayiro.

Go’aankan ayaa sharci darro ka dhigi doona in xubin laga noqdo kooxdaas ama la taageero.

Wasaarada Arrimaha gudaha ee UK ayaa sheegtay in go’aanka waafaqsan yahay Xeerka Argagaxisada, isla markaana go’aankan la qaatay kadib markii la qiimeeyey “saameynta iyo baaxadda hawlaha ururkan oo khatarta gelin kara muwaadiniinta Britishka ee dibadda ku nool.

Horseed Media