Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Waa Imisa Tirada Ardeyda Laga Waayey Iskoolada Puntland Mudadii U Dhaxaysey 2019 -2023?

Warbaahinta Horseed Media ayaa samaysey is barbardhig ardeydii kamsoo baxdey dugsiyada dhexe sanadkii 2019 ee u soo gudbey dugsiyada sare ee sanadkan 2023 qalinjebisey farqiga u dhexeeya kaas oo noqdey mid aad u weyn.

Maalintii shalay ee Salaasada, Wasaaradda Waxbarashada Puntland waxay shaacisey natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee Puntland fasalka 12aad.

Tirada guud ardeyda imtixaanka fasalka 12-aad ee dugsiga sare fariistey sanadkan ayaa ahayd 7 456 ardey, kuwaas oo 4 460 kamid ah ay ahaayeen wiilal, halka gabdhuhu ahaayeen 2 996 ardey.

Ardeyda qalinjebisey sanadkan 2023 waa ardeydii sanadkii 2019 ka soo baxay dugsiga dhexe, kuwaas oo tiradoodu u dhaxayso farqi aad u weyn.

Ardeyda 2019 ka soo gudbey dugsiyada dhexe ee Puntland tiradoodu waxay ahayd 9 616 ardey. Wiilasha ayaa ahaa 5 691 ardey, halka gabdhhu ka ahaayeen 3 825 ardey.

Waxaa muuqata in ardey gaarysa 2 060 ardey (laba kun iyo lixdan ardey) laga waayey Iskoolada Puntland kuwaas oo horey uga soo gudbey dusgisga dhexe, waa tiro ad u badan oo u baahan in diraasad lagu sameeyo halka ardeyda intaas le’eg u jiheysteen iyada oo aysan dalka ka jirin machadyo farsamo oo badan.

Waxa intaas dheer tirada ardeyda sanadka qalin jebisey waxaa ku jira kuwo badan oo ka soo beddeshey iskoolada Laascaanood oo sanadkii 2019 aan ku jirin tirada ardeyda ka soo baxdey fasalka 8aad ee dugsiyada Puntland, waxaa dhici karta tirada ardeyda lagu dhex waayey mudadaas in ay aad uga badan tahay 2 060 ardey.

Tirada wiilasha la waayey ayaa ka badan gabdhaha, waxaana wiilashu gaarayaan 1 231 ardey, halka gabdhuhu ka yihiin 826 gabdhood, inkasta oo tiro ahaan markii hore wiilashu ka badnaayeen gabdhaha.

Waxaa xusid mudan in laba ardey oo tobanka ardey ee u sareya dugsiga dhexe sanadkii 2019 haatana ay ku jiraan tobaka ardey ee ugu sareeya dugsiyada sare 2023, waxaana ay kala yihiin Siciid Cabdulqaadir Xuseen oo hadda ka soo baxay Gambool, Garoowe waxaana uu galay kaalinta 6aad, halka sanadkii 2019 uu ka soo baxay dugsiga Darwiish, Garoowe waxaana uu ku jirey kaalinta saddexaad, ardeyga labaad ayaa ah Shuecyb Xassan Cali, sanadkii 2019 waxa uu galay kaalinta kowaad fasalka 8aad iskoolka Girible, Boosaaso, halka sanadkan 2023 dugsiyada sare uu ka galay kaalinta 8-aad, iskoolka Bandar-qaasim.

Ugu danbeyn 2,060 oo ardey xagee ka baxeen?

Horseed Media