Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Wararkii u danbeeyay caleema saarka madaxweynaha iyo magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub.

June 05 (Jowhar.com)-mudo ku siman 20 cisho ayaa ka soo wareegatay doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo lagu wado in 9 bishan June oo ku beegan Khamiista in la caleema saaro. Xafladda Caleema saarka ayaa waxaa ka soo qeyb geli doono Madax ka socota dalalka Gobolka iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda Caleema Saarka ayaa dib uga dhacday waqtigii la filayay in la qabto oo aheyd 10 cisho kaddib markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa dib u dhaca lagu sababeeyay arrimo farsamo iyo Madaxda lagu martiqaaday caleema saarka oo aan xilligaas la heli karin, waqtiga martiqaadka loo dirayna uu jadwalkooda buuxay.

Xubno ka tirsan Guddiga qaban qaabada caleema saarka Madaxweynaha ayaa sheegay in xilliga ugu macquulsan ee xaflada caleema saarka ee la qaban karo ay noqotay 9 bisha June, si diyaar garow dhameystiran loogu helo Xafladda iyo waqtiga Madaxda imaan karaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in marka la caleema saaro uu magacaabo Ra’iisul Wasaare cusub, si usoo dhiso Gole Wasiiro oo sii dardar galiyo howlaha ay haatan hayaan wasiirada xukuumadda Rooble.

Madaxweyne Xasan ayaa haatan ku jira latashiyadii u danbeeyay ee la xiriirta qofka noqoaya wasiirka koowaad ee xukuumadda, wuxuuna haatan ka fikirayaa shaqsiyada,aqoonta iyo khibrada qofka uu ka dhigayo, isagoo ka feejigan si lamid ah dowladiisii hore inuu soo magacaabo ra’iisul wasaareyaal badan.

Maamulada Puntland iyo Jubaland midkood ayaa loo badinayaa inuu ka iman doono ra’iisul waaraha cusub, iyadoo xafiiska madaxweynaha ay buux dhaafiyeen dad xil doon ah iyo kuwa dad kale jagada u raadinaya, lama oga in ra’iisul wasaaraha soo socda uu noqon doono waji ku cusub bulshada iyo inuu noqon doono siyaasii ay yaqaanaan dadka Soomaaliyeed.