Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Wasiir Beyle oo rajo ka muujiyay in Deyn Cafinta Soomaaliya

May 19(Jowhar.com)-Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa rajo weyn ka muujiyay in Hay’ada Lacagta Adduunka IMF ay dhammaan ka cafiso dowlada Soomaaliya deymaha lagu leeyahay.

May 18 (Jowhar.com)- MQoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu wasiirka maaliyadda ku sheegay in shir muhiim ah ay la yeesheen IMF loogaga hadlay geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya.
“Goor dhaw waxaa inoo soo idlaaday Shir kale oo muhiim u ah geeddi-socodka deyn-cafinta Soomaaliya, maanta waxa aan si gaar ah ula shirnay Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyadoo markale uu nagala soo qeybgalay Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud.

Rajada Soomaaliya ee ah gaarista deyn-cafis dhameystiran ayaa hada ah mid aaad u sareysa”ayuu yiri wasiir Beyel.
Soomaaliya ayaa weli dadaal ugu jirta sidii looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay, iyada oo ay jiraan dalal dhowr ah oo horay deymaha uga cafiyay.