Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Wasiirada maaliyadda ee Soomaaliya iyo Qatar oo Doxa ku kuomey

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Jamhuuriyadda Federaaliga ah Mudane, Biixi Iimaan Cige ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan horumarinta Maaliyadda iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha waxa uu kula yeeshay magaalada Dooxa dhigiisa dalka Qatar Cali Bin Axmed.

Kulankaan ay magaalada Dooxa ku yeesheen Wasiirada Maaliyadda Soomaaliya iyo Qatar ayaa intii uu socday waxa ay diirada ku saareen arrimaha hannnaanka Deyn-Cafinta, iskaashaga horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta nidaamka Maaliyadeed ee muhiimka u ah dib-u-habaynta Maaliyadda dalka.

“Waxa aan maanta magaalada Dooxa ee Dalka Qatar kulan miro-dhal ah kula yeeshay dhiggayga dalka Qatar Wasiirka Maaliyadda Cali bin Axmed Al-Kuwari. Waxa aan ka wadahadalnay arrimo badan oo quseeya Horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa, qorshaha dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda, xoojinta xiriirka iskaashiga dhaqaalaha labada dal iyo Arrimaha deyn-cafinta oo hada meel gabo-gaba ah maraya”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo kaddib kulanka uu la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar.

Wasiirka Maaliiyadda ayaa ka mid ah wafdiga uu hogaaminayo Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar.

Horseed Media