Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Xamse iyo Farmaajo maxay ka wada hadleen?

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadda degan dalka Qatar.

Raysalwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha, Xamsa iyo Farmaajo ayaa iska xog-wareystay xaaladda guud ee dalka iyo guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

“Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu adkeeyey doorka kaga aaddan shacabka iyo madaxda Soomaaliyeed garab istaagga ciidamada ku howlan xoreynta dalka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa booqashada iyo salaanta ay ugu tageen, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo.”

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray 31-kii Agoosto ku baaqay in la taageero dagaalka ay ciidamada xoogga dalku kula jiraan argagxisada al-Shabaab.

Dowaldda federaalka ayaa wadey qorshe lagu mideynaayo aragtiyaha oo dhan si meel looga soo wada jeedto al-Shabaab, waxaana arintaas taageeray dhamaan madaxdii hore ee dalka soo martey.

Horseed Media