Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Xasan sheekh Maxamuud oo magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka iyo Agaasime Xigeenka madaxtooyada.

May 23 (Jowhar.com)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa La Taliyaha Amniga Qaranka u magacaabay Xuseen Macalin oo horay xilkan u soo qabtay.

Xuseen Macalin ayaa sanadihii u dambeeyay madax ka ahaa Machadka Daraasaadka Amnig ee Hiraal oo uu aas aase ka ahaa.

Dhinaca kalena, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan u magacaabay xilka Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Agaasime Ku-xigeenka Cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan Amiin waa aqoonyahan labo shahaado ka haysta heerka 2-aad ee jamaacadda, isaga oo ku takhasusay Horumarinta Dhaqaalaha, Maareynta Nabadda iyo Aammaanka Afrika. Waxa uu hore u soo noqday Sanatar ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Golaha Aqalka Sare, sidoo kale waxa uu soo noqday Safiir Ku-xigeenka safaaradda aynu ku leennahay dalka Kenya.