Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka hadlay wararka sheegaya in loo magacaabay Xilka taliyaha NISA.

May 25 (Jowhar.com)-Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay warar saacdihii la soo dhaafay lagu qorayay baraha bulshada oo sheegayay in loo magacaabay xilka taliyaha NISA.

Mahad Salaad oo goordhow qoraal ku daabacay bartiisa Facebook ayaa beeniyay in loo magacaabay xilkaas, wuxuuna shacabka ka dalbaday iney ku kadsoomin beenta ayna u keydiyaan hanbalyada, taasoo la micno ah in xil kale loo wado oo ay la sugaaan.

“Wararka Baraha Bulshada lagu qorayo waa been ee yaan lagu khatalmin ikhiyaarey. Hambalyadana yaan la iga qasaarinin ee hala ii kaydiyo. Mahadsanidiin” ayuu ku yiri qoraalka uu bartiisa Facebook soo dhigay.

Si kastaba, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada latashiyadii u danbeyay uu ku magacaabayo xilka taliyaha hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka, taasoo banaan maadaama taliyeheedii Yaasiin Fareey uu noqday xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, iyadoo loo badinayo in jagadaas loo dhiibo qof kamida saaxiibada madaxweynaha cusub ee dalka.